Lars Lindgren, hogaamiyaha ururka gaadiidka xamuulka.

Ururka gaadiidka oo ku hanjabay shaqa ka fariisi saacadaha dheeriga ah

Ururka shaqaalaha gaadiidka xamuulka ayaa ku hanajabay shaqa ka fariisi ah saacadaha dheeriga ah ee la shaqeeyo. Qaasatan saddexda shirkadood ee kala ah - DHL, Schenker iyo DSV.

Shaqa ka fariisigan ayuu sidoo kale khuseeyaa 23 ka mid ah garoommada alaabada, sida uu sheegay ururku.

Tallaabadan uu ururku ku hanjabay ayaa lagu dhaqaaqi doonaa 24-ka bishan abriil ee sannadkan, haddii aan wax xal ah laga gaarin inta ka horeeysa wada-hadallada u socda ururka iyo shaqa-bixiyeyaasha. Halka uu ururka shaqa-bixiyeyaashu dhankiisa ku hanjabay inuu ku tallaab-san doono shaqo ka qufulid hadduu ururku uu tallaabadaa ka dhabeeyo.

Tallaabooyinka uu ururka shaqaalaha gaadiidku ku hanjabay ayaa saameeyn doona haddii lagu tallaabsado dareewallada gawaarida xamuulka, shaqaalaha garoommada alaabada, shaqaalaha howlaha cimilooyinka iyo shaqaalaha waardiyeyaasha, sida uu sheegay ururka gaadiidku.

Arrimmaha la isku mari la'yahey ayey ka mid yihiin dhanka mushaarooyinka, isticmaalka shaqaalaha la soo kireeysto (bemanning företag), iyo noocyo ka mid ah tibaajada iney shaqaaluhu mukhaadaraadeey-san yihiin iyo in kale oo ururku doonayo in gebi ahaan la mamnuuco.

Guud ahaan shaqaalaha ey talaabooyinkani khuseeyaan ayey tioradoodu gaarsii-san yihiin 45 000 oo ruux, kana howl-gala shirkadaha gaadiidka xamuullada iyo shirkadaha nadaafadda.

Isha/ TT, Transportarbetaren.

                                                                 kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".