Kalsooni-darro laga sheegtay hoggaanka sare ee ciidanka ammaanka.

Kalsoonidarro laga muujiyey hoggaanka sare ee boliiska

Kalsooni darri ballaaran ayaa lagu qabaa hoggaamiyaha maamulka sare ee ciidanka ammaanka Bengt Svensson iyo shaqaalaha agagaarkiisa ka howl-gala ee hoggaanka sare ee ciidanka ammaanka, sida uu qoray war-geeyska Dagens Nyheter (DN).

Tobankiiba afar oo ka mid ah saraakiisha ciidanka ammaanka ayaa u haya kalsooni liidata amaba aan kalsooni ku qabin sida lagu sheegay baaritaan laga soo saaray hoggaanka sare ee boliiska. Hayadda ayaa soo ban-dhigtay war-bixinta toddobaadkii tagay, hase yeeshee daaha saartay dhaleeceeynta. Ciidanka amaanka ayaa lagu miisaaniyad geliyey dhaqaale gaarsiisan malyuunaad dheeri ah, hase yeeshee aan ku guuleeysan siduu kor ugu qaadi lahaa ka guul-gaaridda dembiyada dhaca. Hoggaamiyaha ciidanka ammaanka Bengt Svensson ayaa dhaleeceeyn adag dusha looga tuuray iyo in aanay wax saameeyn ah yeelan miisaaniyaddii ballaarnayd ee dawladdu u qoondeeysay hayadda.

Isha/ DN

                                                                        kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".