Sawirle: Erlend Aas/ Scanpix.

Culeeyska wasakhda uu dalkani cimilada ku daayo oo sii yaraanaysa

Wasakhda uu dalkani hawada ku sii daayo waxa lagu magacaabo "växthusgaser" ayaa sii dhinmaysa, middaasina oo gaartay heerkii ugu hooseeysay sannadkii 2012 culeey gaarsiisan 58,3 tan. Wasakhdaasi ayaa yaraatay 20% wixii ka dambeeyay sannadkii 1990, sida ku cad war-bixin ay soo saartay wakaaladda dar-yeelka dabeecaddu.

Hoos u dhaca ku yimid wasakhda hawada gasha ee sannadkii tagay ayaa la sheegayaa iney ugu wacan tahay tirada korodhey ee gawaarida ku shaqeeysa shidaalka cimilada u wanaag-san iyo sidoo kale dhaqaalaha cakiran iyo xilliga roobabka badan oo laga heley biyo badan ee koronto laga dhalin karo.

Isha/ TT

                                                                       kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".