Goobtii qaraxyadu ka dhaceen ee Boston. Sawirle: Scanpix. Montage: Sveriges Radio.

Qaraxyo xalay ka dhacay magaalada Boston ee carriga Mareeykanka

Illaa hadda lama xaqiijin iswiidhish ku wax-yeeloobey
1:46 min

Muwaadiniin iswiidhish ah oo tiradoodu gaareyso 54 ayaa qeyb ka ahaa tartankii oradka dheer ee maaratoonka oo xalay ka dhacay magaalada Boston ee dalka Mareeykanka, halkaasina oo ey ka dhaceen laba qarax oo ey illaa hadda ku naf-waayeen saddex qof 144 kalena ku soo gaareen dhaawacyo kala duwan.

Saraakiil ka socota wasaaradda arrimmaha dibadda ee dalkan Iswiidhen oo goobtaa ku sugan ayaa sheegey in aan illaa hadda la xaqiijin iney ku wax-yeeloobeen qaraxyadaasi muwaadiniin iswiidhish ah.

Ulrika Jansson oo ka soo jeedda magaalada Luleå ayaa ka mid ahayd orad-yahannadii tartanka ka qeyb galaey, iyadoona sheegtay inay ka welwel-san tahay qaraxyadii halkaa ka dhacey:
- Anigu waan ka badbaaday qaraxyadii. Daqiiqado ka hor ayaan dhaafay goobaha ey qaraxyadu ka dhaceen. Waa arrin laga argagaxo marka laga war-helo wixii halkaasi ka dhacay.

Margareta Borring oo ka soo jeedda Limhamn ayaa ku sugnayd goob aan ka dheerayn meelaha ey qaraxyadu ka dhaceen:
- Waxaan ku dhowaa goolkii uu oradku ku dhammaanayay iyo sidii aan dharkayga u soo qaadan lahaa kolkii ey qaraxyadu dhaceen. Waxey ahaayeen qaraxyo aad u waaweyn. Aamusnaan ayaa meesha ka dhacday, maadaama ey dadku fajaceen.

Xalay sagaalkii fiid-nimo ee saacadda Iswiidhen ayay ahayd kolkii ey laba qarax ka dhaceen goob ku dhoweyd goolkii tartankii orodka dheeraa ee magaalada Boston. Illaa iyo hadda lama xaqiijin cidda iyo sababta ka dambeeysey qaraxyadaa.

Wasaaradda arrimmaha dibadda ee dalka Iswiidhen ayaa ku boorisay in muwaadiniinta iswiidhishka ee ku sugan magaalada Boston ey la soo xiriiraan qaraabadooda.

Isha/ Ekot, TT

                                                                  kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".