På eftermiddagen idag var det en demonstration utanför Socialdemokraternas kontor på Sveavägen 68 i Stockholm. Foto: Claudio Bresciani på Scanpix.

Baaq bannaanbax oo lagu taageeray Cumar Mustafa

Cid un yaacaysa ayaa la daba yaacey
1:53 min

Illaa iyo hadda ayaaney ka hadal xubnaha saresare ee xisbiga Sooshiyaal-dimoqoraadigu sababta ka dambeeysay inuu Cumar Mustafa ku khasbanaado inuu jagadii uu xisbiga u hayay iska casilo, toddobaad dabadeed kolkii loo doortey, sida ay sheegtay Ekot, laanta wararka ee idaacadda Iswiidhen.

Makhrib-nimadii shalay ayuu ka dhacay albaabka xarunta dhexe ee xisbiga ee magaalada Istockhom bannaan-bax lagu taageereyo Cumar Mustafa.

Iyadoona qaar ka mid ahaa dadyoowgii bannaan-baxa ka soo qeyb-galey ey ka biyo diiddanaayeen sida xisbigu ula dhaqmay Cumar Mustafa:

[Duration:0:12]

- Waa un la iska yaacey. Waxaa la qaadey cabsi iyo argagax dabadeed laga codsaday inuu xilka iska casilo. Falkaasi wuxuu si dadban u noqonayaa mid dhiiri-geliya argagaxa laga qabo muslimiinta, maadaama laga codsaday inuu isu casilo sababo la xiriira argagaxa muslimiinta laga qabo, sida ay sheegtay Elinor Odeberg, tifatiraha war-geeyska ardeyda xisbiga Sooshiyaal-dimoqoraadiga ee lagu magacaabo "Liberta", mar ay goob-joog ka ahayd bannaan-bixii lagu taageerayey Cumar Mustafa ee ka dhacay albaabka xarunta dhexe ee xisbiga Sooshiyaal-dimoqoraadiga shalayto makhrib-nimadii.

Bannaan-baxa ayuu soo abaabulay ururka xubnaha xisbiga Sooshiyaal-dimoqoraadiga magaalada Istockholm ee caqiidada haysta oo lagu magacaabo Hjärta iyo xubno ka socda ururka dhallin-yarada xisbiga SSU iyo haweenka ee magaalada Istockholm.

Doodan ayaa ka dambeeysay hogaamiye-nimada Cumar Mustafa ee ururka isu-tagga muslimiinta iyo caqiidada uu ka aamin-san yahay waxyaalaha qaarkood, kuwaasina oo qeybo ka mid ah xubnaha xisbiga Sooshiyaal-dimoqoraadiga ku dhaliyey shaki. Waana midda dhalisay inuu iska casilo jagadii uu ka hayay xisbiga Sooshiyaal-dimoqoraadiga.

Isha/ Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".