Sawirle: John Almqvist SR/Gotland

Kombiyuutarada oo soo badanaya iyo aqoonta loo leeyahay oo yar

Hay’adda Waxbarashada Qaranku waxay war-saxaafadeed ay siideysey ku qortay in kombiyuutarada laga isticmaalo dugsiyada dal ay labajibbaarmeen marka laga soo bilaabo sannadkii 2008.

 - Waxaase meesha ka maqan aqoonta habka loo isticmaalayo kombiyuutaradaas. Baahi weyn ayaana loo qabaa in sare loo aqoonta kombiyuutarada. Waxaana taas mas’uuliyad weyn ka saaran tahay dugsiyada dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay in ay wax ka qabtaan. Sidaas waxaa war-saxaafadeed ku sheegay Peter Karlberg oo xubin ka ah guddiga hay’adda waxbarashada u qaabbilsan hababka waxbaridda.

Barayaasha qudhoodu waxay dareensan yihiin baahida loo qabo aqoon-kordhin wakhtiga la socota, marka laga eego dhinaca ka hortagga xadgudubyada sharafdhaca oo Internet ka dhaca iyo sidii kombiyuurada loogu isticmaali lahaa aalad waxbarasho ahaan.

Isha: Skolverket

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".