Sawirle: Johan Nilsson/Scanpix

Aaminaadda ugu ballaaran ayaa lagu qabaa goobaha daryeelka caafimaad

Badankood bulshada Iswiidhen ayaa kalsoonida ugu weyn u haya goobaha dar-yeelka caafimaad iyo goobaha tacliinta sare, sidaa waxaa sheeay machadka Som ee jaamicadda Göteborg oo soo ban-dhigay tira-koobkiisii ugu horeeyay ee xilliga gu'ga.

Labada goobood ee aannu kor ku soo sheegney ayaa sidoo kale ugu sitey kalsoonidii ugu ballaaranayd ee sannadkii ka horeeyay ee 2011 tira-koobkii lagu sameeyey. Halka isla sannadkaa loogu kalsooni liitey hoggaanka-sare ee EU-da iyo baarlamanka EU-da.

Guud ahaan 6 298 ruux ayaa jawaab ka bixiyey tira-koobka machadka Som- sannadka 2012 ee jaamicadda Göteborg, middaasina oo ah tiro u dhiganta 52% dadyoowgii foomamka la gaarsiiyey.

                                                               kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".