Wax ka bedelka xeerarka doorashooyinka

1:40 min

War-bixin uu maanta soo ban-dhigay guddiga doorashooyinka dalka ayuu fikirrada uu ku soo jeediyay uu ka mid ahaa iney suurtagal noqon karto in lagu codeeyo dhanka aaladda internetka doorashada xigta middaa iminka foodda innagu soo haysa ee sannadka 2018.

Guddiga ayaa soo jeediyay in si tijaabo ah loogu codeeyo degmooyinka qaarkood dhanka aaladda internet-ka waxa loo yaqaanno e-rösning doorashada dalka ka dhici doonta sannadka 2018 iyo haddii weliba ay suurtagal tahay in ammaanka codeeyntaa la sugo.

Xisbiga Doogga ayaan cod ka dhiiban fikirkan, maadaama uu aamin-san yahay in aanay suurtagal ahayn in si ammaan ah loogu dhiibto aaladda internet-ka iyo sidoo kale inay adkaanayso sidii bulshada loogu dhiiri-gelin lahaa iney doorashada codkooda kgaga dhiibtaan aaladda internet-ka. Waxaa kaloo dhici karta ayuu xisbigu qabaa halis ah in saameeyn lagu yeesho ruuxa habkaa ku codeeynaya maadaama uu khatar geleyo sir-ahaanshihii cidda aad codkaaga siinayso.

Guddiga doorashooyinka ayaa sidoo kale soo jeediyay in sida ugu dhakhsiyaha badan loogu saaro guddi ay howshiisu tahay dul-meerka suurtagalka amuurtaa, xeerarka khuseeya, ammaanka iyo tekniik ahaan sida ay suurtagal ku tahay in lagu codeeyo aaladda internet-ka.

Fikirka ka dambeeya ayaana ah in lagu codeeyn karo dhanka aaladda internet-ka ee goobaha cod-bixinta loogu talo-galey iyo sidoo kale meelo ka bax-san labadaba, sida uu sheegay hogaamiyaha guddiga doorashooyinka Bengt-Åke Nilsson

Isha/ Shir jaraa'id

                                                                    kenadid.mohamed@sr.se

Fråga
Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista