Sawirle: Scanpix.

Ribada oo lagu dhawaaqey in loo daayo halka ey maanta joogto

Hoggaanka bangiga qaranka ayaa dib u dhigey xilliga xiga ee lagu dhawaaqi doono heerka ribada isagoona isla-markaa halka ay maanta joogto ku daayay heerka ribada 1%.
Dhanka kale wuxuu hoggaanka bangigu kor u qaaday saadaalinta heerka shaqa-la'aanta sannadka 2013, isagoona gaarsiiyey 8,2%, halka ey horay uga ahayd 8,1%.

Dhanka kale wuxuu hoggaanka bangigu kor u qaaday saadaalinta heerka shaqa-la'aanta sannadka 2013, isagoona gaarsiiyey 8,2%, halka ey horay uga ahayd 8,1%.
Saadaalinta dhaqaalaha guud ee dalka waxa loo yaqaanno BNP ayaa sidoo kale kor loo qaaday lana gaarsiiyay 1,4%, halka ay horay uga ahayd 1,2%.

Ribada ugu muhiim-san ee lagu magacaabo "Reporänta" ayaa ku socon doonta dhabbada 1% sannadka 2013, 2014. Dabadeed kor loo qaadi doono 2015 iyada oo la gaarsiin doono 1,9% qiyaastii.

Isha/ TT

                                                                  kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista