Isbedel sidaa u ballaaran kuma uu dhicin tirada bulshada ee dalka

Tira-koobka cusub ee hayadda saadaalinta oo marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaanno SCB ayaa ku casumin bulshada warar xiiso leh ee la xiriira tira-koobka bulshada. Tira-koobka ayaa lagu caddeeyay in bulshada Iswiidhen kor u gaari doonto xadka sannadka 2017 xadka tirada ee bulsho gaarsiisan 10 malyuun, waana muddo sannad ka horeeysa saadaalintii sannadkii hore.

Qoraal ay hayadda saadaalintu soo saartay ayay ku shaacisay in aan muddo sidaa u degdeg badan horay loogu gaarin tiro hal malyuun oo kor u kacda.

Tirada malyuunka xiga ayaa la gaari doonaa sida la saadaalineyo sannadka 2040 iyada oo dhanka kale la saadaalineyo sidii sannadkii horeba in tira-koobka bulshadu gaari doono 11,6 malyuun oo ruux sannadka 2060.

Isha/ TT

                                                               kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista