Sawirle: Britt Karlström i Runtuna.

Kharash dib-u-dhiska isbitaalka Karolinska oo cirka isku shareeray

Wargeyska Dagens Nyheter wuxuu qoray in dhismaha Karolinska cusub oo loo yaqaan Nya Karolinska (NKS) oo laga wado degmada Solna uu lix bilood daahi doono iyadoo kharashka ku bixi doonana uu 600 milyan oo karoon ka badan yahay miisaaniyaddii horay loogu talagalay.

Qorshihii hore ayaa ahaa in la burburiyo ama dumiyo dhammaan 40ka guri oo goobtaas ka dhisnaa. Laakiin waxaa meeshoodii loo daayey Isbitaalka Carruurta ee Astrid Lindgren, iyo qaybaha dhuunta iyo raajada oo lagu kordhiyey shan dabaq. Dagens Nyheter wuxuu qoray in isbitaalka karolinska cusub lagu kordhin doono 80 goob si loogu filnaado baahida daryeelka caafimaadka loo qabo oo soo kordheysa.

Kharashka ku bixi doona dib-u-dhiska isbitaalkana waxaa wakhtigaan xaadirka ah lagu qiyaasay ilaa 15 bilyan oo karoon.

Isha: DN

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".