Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Dhaleecayn loo soo jeediyey hoggaanka xisbiga Sooshiyaal-dimoqraadiga

Sawirle: Scanpix/Montage: Sveriges Radio.

Waxaa soo kordhayey dadka difaacaya Cumar Mustafa oo sabtidii la soo dhaafay lagu khasbay in uu iska casilo xilka hoggaanka xisbiga Sooshiyaal-dimoqraadiga oo loo doortay. Waxaa sidoo kale isasa soo tarayey dhaleecaynta loo jeedinayey hoggaanka xisbiga. Sidaasna waxaa soo werisey idaacadda wararka ee Ekot.

Laakiin xoghayaha xisbiga oo maanta aqalka baarlamaanka ku qaabbishay saxaafadda ayaan bixin war cad oo ku saabsan sababta looga fursan waayey in Cumar Mustafa is-casilo.

Carin Jämtin waxay sheegtay in guddi-hoosaadka xisbiga ee degmada Stockholm uu u arkay in doorashada Cumar Mustafa ay dhaawac soo gaarsiisay kalsoonida loo hayo xisbiga, iyo in ay la qabto. Waxay kaloo Ekot u sheegtay in wixii faahfaahin ah laga la xiriiri karo guddi-hoosaadka xisbiga ee degmada Stockholm.

- Waxay u arkeen oo aniguna aan la qabaa in doorashadiisu ay dhaawac soo gaarsiin lahayd kalsoonida xisbiga loo hayo. Annagu waxaa taageernay guddi-hoosaadka xisbiga sida aan qaybaha kaleba u soo taageeri jirney, laakiin go’aanka iyagaa gaaray.

Guddoomiyaha guddi-hoosaadka xisbiga ee degmada Stockholm Veronica Palm ayaa sabtidii na soo dhaaftay fiidnimadii telefan u dirtay Cumar Mustafa oo ugu baaqday in uu is-casilo. Wax kulan ah lama aysan yeelan hoggaanka xisbiga in kastoo ay la xiriirtay.

Waxaa maalmihii ugu dambeeyey soo badanayey dhaleeceyno kulul oo loo jeedinayey hoggaanka xisbiga. Dad badan ayaa u arka in Cumar Mustafa lagu khasbay in uu is-casilo iyadoo aan marka hore la baarin aragtiyihiisa ku aaddan arrimo badan.

29 qof oo xubin firfircoon ka ah xisbiga Sooshiyaal-dimoqraadiga ayaa maanta ku qoray bogga doodda ee wargeyska Svenska Dagbladet in hoggaanka xisbigu raalligeliyo Cumar Mustafa. Balse Carin Jämtin ayaa gaabsatay maanta in ay raalligelin dhiibto.

- Waxaa isaga iyo dad badan oo taabacsan Sooshiyaal-dimoqraadiga soo maray toddobaad jahawareer ah. Hadda waa in aan halkaa ka sii soconaa annagoo sii wadeynna wadaxaajood iyo dib-u-qiimeyn. Sidaasna waxaa tiri Carin Jämtin oo ah xoghayaha xisbiga Sooshiyaal-dimoqraadiga.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".