Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Kalsoonidarro laga qaaday warshadaha lagu farsameeyo cunnooyinka

La daabacay onsdag 17 april 2013 kl 15.30
Sawirle: Kristoffer Hjälmberg/Sveriges Radio.

Hoos ayay aad ugu dhacday kalsoonida ey bulsha-weynta iswiidhishku u hayaan shirkadaha ka baayacmushtara cunnada wixii ka dambeeysay fadeexaddii hilbaha fardaha ee laga heley raashin lagu sumadeeyey hilbo kale.

War-bixin baaritaan ah oo shirkadaha cunnooyinku maanta soo ban-dhigeen ee middaa la xiriirta ayey saddex daloolow mid ey dadyoowgii laga wareeystey sheegeen iney kalsooni liidata u hayaan warshadaha ganacsiga cunnada.

Tobankii ruuxba lix ayaa sheegtay iney mustaqbalka diyaar u yihiin iney kharash dheeriya ka bixiyaan cunnada si loo hubiyo tayadeeda. Halka ay aqlabiyad bulshada iswiidhishku aamin-san yihiin in cunnada lagu sanceeyo dalkan Iswiidhen ey leedahey tayo wanaag-san iminkadan, sida baaritaanka ku caddaatay.

Isha/ Ekot

                                                            kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".