Habka dhimista khidmooyinka ee ROT iyo RUT

Nidaamka dhimista khidmooyinka ee adeegyada marka magacyadooda la soo gaabiyo loo yaqaanno Rot iyo Rut ayuu ahaa fikirkii ka dambeeyay sidii shaqooyin caadi ah looga dhigi lahaa howlaha adeegyada ee lagu qabto suuqyada-madow. Hase yeeshee ey kor u sii kacayaan dadyoowga u isticmaala adeegyada looga qabaneyo daarahooda nasashada ee dalka dibaddiisa ku yaal, sida ay war ku sheegtay laanta wararka Ekot ee idaacadda Iswiidhen.

Sannad sannadfka ka dambeeya ayayey kor u sii kaceysaa tirada dadyoowga isticmaala adeegyadan Muddadii u dhexeeysay sannadihii 2011 illaa iyo 2012 iyadoona ka kacday 20 bilyan sannadkii 2011 gaartayna 30 bilyan sannadkii 2012, waana kor u kac u dhiganta 30%.

Lacagaha ay hayadda cashuuruhu ku bixiso howlahaa ayaa inta badan gala guryaha nashaooyinka loo leeyahey ee dalka dibaddiisa..

- Sida caadiga ah waa guryo ku yaala waddammada aannu deriska nahey iyo sidoo kale waddammada loo dalxiiska tago ee Faransiiska iyo Isbaanishka, sida ay sheegtay Pia Blanck Thörnroos, ahna qubarad dhanka xeerka oo ka howl-gasha hayadda cashuuraha mar ay u warameeysay laanta wararka ee Ekot.

Wasiirka dhaqaalaha Anders Borg (M) ayaa tallaabooyinkaa ku difaacay in haddii la joojiyaa la jebineyo xeerka guud ee ururka EU-da.

Isha/ Ekot

                                                                   kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".