Sal-dhigga wasaaradda. Sawirle: Jonas Ekströmer

Dawladda Iswiidhen oo Soomaaliya u magacoowday safiir u matala

Mikael Lindvall ayaa dhowaantan u gudbiyay waraaqihiisii aqoonsiga madaxweeynaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya, kadib magacaabistiisii ay dawladda Iswiidhen u magacoowday safiirka dalkan uga masuulka noqon doona Soomaaliya. Isagoona ay xaruntiisu noqon doonto magaalada Nayroobi ee caasimadda dalka Keenya.

Mikael Lindvall ayaa horay u ahaa wakiilka gaarka ah ee dawladda Iswiidhen u qaabilsan Soomaalia, hase yeeshee iminka loo magacaabay inuu si rasmi ah dal-jire halkaasi uga noqdo.

Lindvall in muddo ahba ka soo howl-galayay wasaaradda arrimmaha dibadda uu xilkii ugu dambeeyay kaga howl-galayay safaaradda dalkani uu ku leedahay magaalada Islaamabaad ee caasimadda dalka Bakistaan.

                                                                               kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".