Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

In laga macaaasho adeegyada bulshada oo la mucaaraday

La daabacay onsdag 17 april 2013 kl 18.13
Sawirle: Henrik Montgomery / Scanpix.

Waxaa bulshada iswiidhishka ka jira dad aad mucaarad ugu ah in laga macaasho adeeggyada bulshada – taas oo aan ku xirnayn xisbiga la taabacsan yahay.

In ka badan boqolkiiba 60 ayaa diiddan in macaash laga sameeyo adeegyada canshuurta lagu maalgeliyo oo ay ka mid yihiin daryeelka caafimaadka, dugsiyada iyo xannaanada waayeelka.

- Aragtida xooggan oo lagu diiddan yahay in laga macaasho adeegyada bulshada waxaa lagu xiriirin karaa sida xooggan oo ay bulshada iswiidhishku u saluugsan tahay in mulkileyaal gaar ah ay yeeshaan goobaha daryeelka caafimaadka. Sidaas waxaa TT u sheegay caalinka Lennart Nilsson.

Boqolkiiba 62 dadkii la waraystay ayaa u arka in ay aad u wanaagsan tahay amaba ay wanaagsan tahay in aan la oggolaan ka macaashidda goobaha daryeelka caafimaadka, dugsiyada iyo xannaanada waayeelka oo canshuuraha lagu maalgeliyo.

Dad badan oo ka mid ah dadka xisbiyada taabacsan ayaa taageersan ra’yigaan marka laga reebo xisbiga Folkpartiet oo boqolkiiba 48 dadka taabacsani ay ka soo horjeedaan ka macaashidda.

Boqolkiiba 70 ka mid ah taageerayaasha xisbiga Sooshiyaal-dimoqraadiga ayaa diiddan ka macaashidda, halka boqolkiiba 53 dadka taabacsan xisbiga Mooderaatka ay taageersan yihiin ra’yigaas.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".