Jah-wareerkii xisbiga S oo weli hakiisii ka socda. Sawirle Scanpix. Montage/Sveriges Radio.

Kulan u socda xubnaha guddiga howl fulinta ee xisbiga S

Warbaxin ku saabsan magacaabadii iyo is casiladii Omar mustafa
7:23 min

Wareeysi ay siisay idaacadda la iska daawado ee Svt Veronica Palm, gudoomiyaha xisbiga Sooshiyaal-dimoqoraadigaayaa mar ey ku sii socotay kulan saacad horteed 12-kii duhur-nimo u bilooeday xubnaha guddiga fulinta ee xisbiga ay ku sheegtay inuu xisbigeedu iminka dhammaan miiska soo wada saaray fikirradii la xiriiray doodihii beryahan ka socday Cumar Mustafa oo iska casilay hoggaanka sare ee xisbiga kolkii loo doortay toddoba maalmood dabadood:

Hoggaanka xisbiga laantiisa Istockholm oo ay Veronica Palm gudoomiyaha ka tahay ayuu ahaa kuwii jagadaa u sharraxay Cumar Mustafa, isla-markaasina ku dhiiri-gelisay inuu jagadaasi iska casilo, waana midda dhalisay in xubno xisbiga ka tir-sani soo jeediyaan in Palm ay jagada iska casisho, hase yeeshee ay sheegtay inay ku qanac-san tahay howlaha sidii ay u qabatay, isla-markaana tahay shakhsiga keliya ee u sharraxan jagada hoggaanka xisbioga ee Istockholm, islamarkaana doonayso in dib loogu doorto si ay howsha halkeeda uga sii waddo, hase yeeshee aey yihiin xubnaha xisbiga kuwa go'aanka kama-dambeeysta ah gaari doona.

                                                                      kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".