Maxaa kala haysta hawada gu'ga iyo dadyoowga xasaasiyadda qaba

Ruxa alergi qaba oo ay asbuuca soo socdo sugeyso shoog
6:45 min

Toddobaadka soo socda ayaa la fileyaa hawadii gu'ga inay saameeyso dhammaan dalka. Waana mid dhibaateeynaysa dadyoowga xasaasiyadda ka qaba faxalka. Hase yeeshee waxaa jira saadaalimmo oranaya in maadooyinka keena xasaasiyaddaa ee hawada ku jiraa kaga yaraan doonaan sidii hore, sida ay sheegtay wakaaladda saadaalinta hawada ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaanno SMHI.

Arrinka wanaagga leh kolka laga hadleyo howlaha saadaalinta hawada ayaa ah in saadaalinta faxalka lagu war-geliyo bulshada noqon doono hadba tobanka beri ee soo socda, halka uu iminka la sii saadaaliyo saddex maalmood oo keliya.

Maaddada faxalka ayaa geli karta safar aad u dheer, iyadoona isga gooshi karta waddammo kala duwan. Waana mid suurtagal noqon doonta in lala socodo socsocodka faxalka ee qaaradda oo dhan kolka la dhameeys-tiro howlaha saadaalnta hawada ee mustaqbalka lagu talo jiro.

Isha/ TT

                                                                kenadid.mohamed@sr.se

Fråga
Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".