Sawirle: Scanpix och Ola Henriksson/Sveriges Radio.

Sicirka guryaha oo la saadaalinayo in uu cirka isku shareero

Dadka guryaha deggan oo aamminsan in sicirka guryuhu kor u sii kacayo ayaa intii hore ka soo yaraaday, in kastoo ay weli dadkaasi yihiin tirada ugu badan. Sidaas waxaa qoray wakaaladda wararka ee TT oo ka soo xigatay jaantuska sicirka guryaha oo uu saaray bangiga SEB.

Boqolkiiba 55 dadka guryaha deggan oo la waraystay waxay ku jawaabeen in ay aamminsan yihiin sicirka guryuhu uu kor u kici doono sannadka foodda nagu soo haya. Bishii hore waxay tiradaasi ahayd boqolkiiba 58.

Tirada dadka aamminsan in sicirku hoos u dhacayo waxay noqotay boqolkiiba 17 halka ay horay uga ahayd boqolkiiba 13.

Waxaa iyaguna boqolkiiba 21 hoos ugu dhacay dadka qaba in sicirka guryuhu uu sidiisa ahaan doono. Gunilla Nyström oo bangiga SEB u qaabbilsan dhaqaalaha dadka caadiga ah waxay ku tilmaantay sababta isbeddelka in ay tahay xaaladda dhaqaale oo dhutineysa iyo maalgelinta shirkadaha oo waqtiyadii ugu dambeeyey hoos u dhac ku yimid.

Dadka guryaleyda ahi waxay rajeynayaan dulsaar hoose oo xasilloon iyo in ay dad yari qorsheeyaan in ay xiraan amaahda guryaha oo ay ka bixiyaan dulsaarka isbeddela.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".