Sawirle: Fredrik Sandberg / Scanpix

Dhaleeceyn loo jeediyey dugsiyada gaarka loo leeyahay

Wasiirka waxbarashada Jan Björklund ayaa saluugsan in ay dugsiyada gaarka loo leeyahay soo dalbadaan lacagta dowladdu ku bixiso kordhinta xirfadda macallimiinta. Arrintani waxay badasoctaa qorshaha in dugsiyada gaarka loo leeyahay in abaalmarin mushahar–kordhin ah siiyaan macallimiinta aad ugu xariifsan xirfaddooda, lacagtaas oo ka imaneysa khasnadda dowladda.

- Waxaan rajeynayaa in ay dib isugu noqdaan, waayo waa arrin aan la qaadan karin in dowladdu ay bixiso kharashka intiisa badan. Mana fahmi karo wax ay damacsan yihiin degmooyinka iyo dugsiyada aan arrintaas wax ka beddelin.

Hindise ay dowladdu soo saartay ayaa laga bilaabo dayrta soo socota la doonayaa in lagu maalgeliyo dugsiyada ay macallimiintoodu sii kordhiyaan xirfaddooda shaqo. Taas oo dhiganta in mushaharadooda lagu kordhiyo lacag dhan 5000 karoon bishii. Waxaa kaloo la codsan karaa lacag gaareysa 10000 oo karoon bishii oo loogu talagalay macallimiinta sida gaarka ah sare ugu qaaday aqoontooda xirfadeed.

Kororka codsiga lacagahaan waxaa loo aaneynayaa dugsiyada gaarka loo leeyahay oo ka welwelsan dhaqaalahooda marka la barbardhigo dugsiyada dowladda. Kolka la hirgeliyo hannaankaan, waxaa la filayaa in uu kabo dhammaan kharashyada, mana ah mid waqti loo qabtay.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".