ISawirle: Jonatan Nilsson/Sveriges Radio

Boliiska iyo ciidamada xoogga dalka oo tababar wadasamaynaya

Laga soo bilaabo sannadkii 2006 waxay ciidamada boliisku caawimaad iyo gargaar ka heli karaan xoogga dalka haddii uu matalan fal argagixo ka dhaco Iswiidhen. Sidaas awgeed ayey hadda labadaan ciidan isla samaynayaan tababar wadajir ah. Sidaasna waxaa lagu qoray warbixin dhowaan soo baxday.

Marka laga reebo tababarada waxqorista iyo diiwaangelinta waxay kaloo isla qaataan tababaro ay ka mid yihiin marinnada isdhaafsiga wararka ama xiriirka labada urur u dhexeeya.

Baaritaano la sameeyey kadib falkii argagixisada ee Noorwey ka dhacay 2011 waxaa la ogaaday baahida loo qabo in la isdhaafsado khibrada iyo tababarada si la isaga kaashado xaaladaha murugsan oo taas la mid ah.

Guddoomiye-ku-xigeenka Guddiga baarlamaanka u qaabbilsan arrimaha garsoorka Johan Linander ayaa sheegay in ay waajib tahay in boliiska iyo ciidamada xoogga dalku isla sameeyaan rababaro:

- Waa wax cad in ay tababar isla sameeyaan si ay hawshu u fududaato kolka ay xaaladdu adkaato. In ay tababaro isla qorsheeyaan waa waxa keliya oo aan ku dhiirrigelin karno.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".