Dhallinyarada dalka dibaddiisa uga howlgasha sharcidarrada

Dhallin-yarada iswiidhishka ee uga howl-gasha dalka dibaddiisa shirkadaha dal-xiiska sida Ving, Apollo iyo Fritidsresor waxey marar badan ku shaqeeyaan iyaga oo aan haba yaraatee heysan warqadda ruqsada shaqada ee dalka ey ka howl-galaan. Middaasi ayaa lagu ogaadey baaritaan ay sameeysay laanta wararka ee P3 oo wareeysiyo la yeelatay qaar ka mid ah dhallin-yarada iswiidhishka ee ka howl-gasha waddammada ka bax-san EU-da oo ay waajibka tahay in la heeysto caddeeyn ogolaansho shaqo.
Guud ahaan waxaa waddammada dibadda ee ka bax-san eu-da ka howl-gala saddexda shirkadood ee safarrada sannadkii gaar ahaan xilliga bilaha kuleeylaha dhallin-yaro dalkan u dhalatay oo gaareysa 1 000, iyadoona haddii lagu qabto sharci-jebintaa ey ku muteey-san karaan ciqaabo ah: ganaax, in dalka laga mamnuuco iney dib ugu soo laabtaan iyo xarig.
Shirkadda dal-xiiska ee Fritidsresor ayaa horay looga qabtay shaqaale dalka Masar maadaama ey ku howl-galayeen si sharci-darro ah. Håkan Ingevik, waa masuulka laanta shaqaalaha dibadda ee shirkadda Fritidsresor:
- Arrinta ka dhacday dalka Masar ayaa ku sugan xaalad la xiriirta dalabkii warqadda ogolaansho ee howleed, hase yeeshee ay suurtagal tahay in la shaqeeyo muddada jawaabta la sugayo.
Hoowl-wadeennada sfaaradda ayuu fikirkoodu waadix yahay - in aan la howl-geli karin iyada oo aan warqad ogolaansho ee shaqo la hay-san. Waa maxay haddaba sababta aad idinku u ogolaataan middaa?
- Sababta aannu u sameeyno ayaa ah madaama ay wasaaradda shaqadu nagu war-gelisay in howluhu sidaa yihiin.
Isha/ P3 Nyheter