Sawirle: Rebecka Gyllin/Sveriges Radio.

MP: Waa in la adkeeyo nidaamka garsooreyaasha bulshada

Nidaamka gar-sooreyaasha dalka ayaa u baahan in la adkeeyo ee aan u baahneyn in gebi ahaan la baabi'iyo, sida ay war-geeyska SvD boggiisa doodda maanta ku qortay maanta Maria Ferm oo ka tir-san xubnaha xisbiga Doogga (Mp).

Xisbiga Doogga ayaa qaba in loo baahan yahay sidii wax looga bedeli lahaa nidaamka gar-sooreyaasha qaasatan kolka laga hadleyo heerkooda aqooneed, si ey uga badbaadaan iney howlahooda meel kaga dhacaan (waxa afkan iswiidhishka lagu yiraahdo Jäv - ku taxadidid). Mp ayaa sidoo kale qaba in nidaamka laga dhigo mid wareegaaleeysta ee aan ruuxu gar-soore ka ahaan karin hal goob muddo dhaafsii-san saddex doorasho oo taxane ah inta lagu jiro.

Gar-sooreyaasha ayaa maxkamadda u metela bulshada. Waa gar-sooreyaal aan tacliin u laheyn xeerarka hase yeeshee kalsooni ka haysta bulshada sidii ey ugu meteli lahaayeen in xukunnada maxkamaduhu ridaan ey noqdaan kuwo ku qaabeeysan cadaaladda maskaxda bulshada.

Gar-sooreyaasha maxkammadaha ayaa la doortaa isla xilliyada doorashooyinka, kuwaasina oo jagada ku fadhiya muddo afar sannadood ah.

Isha/ Svd

                                                                          kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".