Sawirle: Mats Carlsson-Lenart

Cabbirka tayada hawada degmooyin badan oo aan buuxin shuruudaha EU

Afartii degmaba mid ayaan buuxin shuruudaha Midowga Yurub oo ku saabsan habka loo cabbiraayo oo loo qeexayo tayada hawada la neefsado. Sidaasna waxaa qoray wargeysla Miljöaktuellt oo baaritaan ku sameeyey shaqooyinka bey’adda ee 270 degmo.

Waxyaalaha laga baarayo waxaa ka mid ah maaddada loo yaqaan naatrajiin-laba-oksaydh iyo walxaha ka soo fuqa shaaggaga gawaarida iyo qiiqooda.

Lars Westerberg oo madax ka ah waax ka tirsan Hay’adda dhawridda dabeecadda wuxuu sababta aysan degmooyinka qaarkood u samayn baaritaan u aaneynayaa in baaritaanadaasi u baahan yihiin kharash badan oo lagu maalgeliyo.

Waxaa wargeyska Miljöaktuellt laga soo xigtay in degmada qabata shaqada bey’adda ee ugu wanaagsan ay tahay degmada Upplands Väsby oo ay ku xigaan degmooyinka Eskilstuna iyo Västerås.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".