Sawirle: Dajana Kovacevic/Sveriges Radio

Dab ka dilaacay nawaaxiga dekedda Malmo

Dab ballaaran oo ka dhacay dekedda Malmö
0:25 min

Dab xalay ka dillaacay alaabo qashin ah ee yaaley waqooyiga dekedda magaalada Malmö ayaa saaka ka sii daray. Shirkadda gargaarka degdegga ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaanno SOS ayaa sheegtay in laga maqlayey goobta dabku qabsaday qaraxyo dhowr ah, iyadoona goobtaa loo direy gargaar dheeri ah.

Howl-wadeennada gargaarka degdegga ah ayaa sheegay inay qaadan doonto muddo toban saacadood ah sidii dabkaasi loo demin lahaa.

Isha/ Idaacadda P4 ee Malmöhus

                                                                         kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".