Raysalwasaaraha Iswiidhen Fredri Reinfeldt. Sawirle: Annika Digréus/Sveriges Radio.

Maalintii xisbiga Mooderaatka ee toddobaadka Almedalen

Maanta oo ay bisha Luulyo tahay saddex ayaa noqoneysa maalintii afraad oo ay xisbiyada dalku khudbado ka jeediyaan fagaare u yaal Almedalen oo ay ku soo bandhigaan siyaasadahooda. Maantana fursad u helay in uu siyaasadihiisa soo bandhigo xisbiga Mooderaatka oo uu hoggaamiyihiisu jeedin doono khudbad uu kaga xogwarramayo siyaasadaha uu xisbigiisu doonayo in uu dalka ku maamulo.

Waxaase la saadaalinayaa in ay khudbaddiisa ugu muhiimsanaan doonto dhimista canshuurta. Waxaa kaloo wareysi lala yeelan doono hoggaamiyaha xisbiga Fredrik Reinfeldt iyo hoggaamiyaha ururka dhallinyarada xisbiga.

Si joogta ah ayaan idiin la soo socodsiin doonaa barnaamijkaan xisbiga Mooderaatka oo socon doona maanta oo dhan.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".