Barta bulshada ee facebook

Wiil loo ganaaxay qoraal cunsurinimo ah oo uu soo geliyay Facebook.

Will lix iyo toban jir ah oo ku nool  Jönköping ayay maxakamad ku taalla magaaladaasi ku riday xukum ganaax ah ka dib markii hadalo isir naceyb ah uu soo geliyay bogga bulshada ee facebook, sida uu ku waramayo telifishinka SVT qeybtiisa wararka gobolkaasi.

Wiilka ayaa ka soo min guuriyay bar internet-ka hadalo cunsuriyad iyo gef ku ah Soomaalida ka dibna waxuu dhex dhigay bogga uu ku leeyahay facebook.

Maxkamada degmada Jonköping ayaa wiilka ku heshay dambi ah naceyb ka dhan dadyow waxuuna bixin doonaa ganaax gaaraya.

TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".