Sawirle: Hanna Westerlund.

Tababar xagga maskaxda oo waxtar u leh dadka qaba ADHD

Caalin cilmiga nafsiga oo lagu magacaabo Seija Sirviö kana hawlgasha Machadka Karolinska ayaa bilowdey in ay daraasad ku samayso sida habka loo yaqaan neurofeedback loogu adeegsan karo in la caawino carruurta qabta ADHD. Neurofeedback waa hab lagu tababaro maskaxda si shaqooyinkeedu u wanaagsanaadaan, waana hab isticmaalkiisa horey looga bilaabay dalal kale oo badan.

Khubaro badan oo Iswiidhen jooga waxay u arkaan in ay Iswiidhen ku liidato adeegsiga aqoon cilmiyeysan si loo la tacaalo ADHD. Seija Sirviö waxay hadda rajeyneysaa in daraasadeeda cusubi ay gacan ka geysato in si wax ku ool wax looga qabto ADHD. Marka la barbardhigo waxyeelooyinka daawooyinka, waxaa la og yahay in waxyeelooyinka habkaan maskaxda lagu tababaro ay aad u yar yihiin.

Habkaan loo yaqaan Neurofeedback wuxuu keenaa in ay maskaxdu sameyso noocyo hirar ama waxa loo yaqaan EEG, taas oo wanaajisa dhugmada qofka.

Isha: Vetenskapsradion

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".