Dadka laga dhinto ha la siiyo gunno tacsi

Maqaal dood ah oo maanta ku soo baxay wargeyska Sydsvenskan ayuu urur lagu magacaabo ururka iskaanshiga dadka laga dhintay oo loo gaabiyo Sams wuxuu sheegay in dadka laga dhintay ay heli karaan gunno tacsida loogu talagalay. Laga soo bilaabo bishii Jannaayo ee sannadkii 2011 waxay waalidka cunug ka dhinto xaq u leeyihiin in caymiska waalidka laga siiyo gunno toban maalmood socota.

Maanta waxaa dhakhaatiirta lagu khasbaa in ay murugada tacsida ku qiimeeyaan sidii cudur oo kale, taas oo qalad ah. Sidaas waxaa qoray Kjell Westerlund oo ah guddoomiyaha ururka Sams isagoo intaas ku daray in habkaan cusub ee gunnada tacsidu uu culeyska ka qaadi lahaa laamaha daryeelka caafimaadka.

Hindise dowladda loo gudbiyey ayey ku qoran tahay in ay dadka tacsida ku jira xaq u yeeshaan laba sano gudahood mudd100 maalmood ah oo ay gunno qaataan, sida tan hadda waalidku ku qaataan xannaanayntda carruurta ilaa 8 sano jira.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".