Sawirle: Christine Olsson/Maja Suslin/Scanpix. Qaabeyn: Sveriges Radio.

Dukaanka Systembolaget oo boliiska ku dacweeyey dukaanka Citygross

Dukaanka khamriga lagu iibiyo ee Systembolaget ayaa boliiska ku dacweeyey dukaanka cuntada ee Citygross iyo shirkadda Winefinder maadaama ay dadweynaha ugu deeqday in ay khamriga ka iibsan karaan Internetka marka ay cuntooyinka iibsanayaan. Qofka shakhsiga ahi xaq ayuu u leeyahay in uu khamri uu isagu isticmaalaayo dalka soo geliyo, laakiin dukaanka Systembolaget wuxuu andacoonayaa in aysan sharci ahayn in iswiidhish dillaal ah la isticmaalo. Sidaasna waxaa tiri agaasimaha Systembolaget Magdalena Gerger.

- In Iswiidhen gudaheeda khamri lagu iibiyo waxaa go’aan ka gaari kara oo qura dowladda iyo baarlamaanka. Tallaabadaan ay hadda qaadeen dukaankaan iyo shirkaddaan ma waafaqsana sharciga in Systembolaget oo qura ay khamri ku iibiso Iswiidhen gudaheeda.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".