Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Hindise in magaca Arlanda lagu beddelo Garoonka Raoul Wallenberg

La daabacay onsdag 10 juli 2013 kl 10.17
RAOUL WALLENBERG. SAWIRLE: SVT BILD

Soddomeeyo qof oo ka kooban siyaasiin iyo dadka ku hawllan arrimaha dhaqanka iyo bulshada ayaa soo jeediyey hindise ay ku doonayaan in magaca Garoonka Arlanda loo beddelo Garoonka caalamiga ah ee Raoul Wallenberg. Waxayna maanta ku soo bandhigeen bogga doodaha ee wargeyska DN.

Ujeeddada ay hindisahooda ka leeyihiin ayaa ah in lagu haybadeeyo Raoul Wallenberg oo ahaa siyaasi iswiidhish ah oo dhammaankii dagaalkii labaad yuhuud badan ku badbaadiyey magaalada Budapest.

- Dalal badan ayaa ninkaan ku sharfay in ay siiyaan muwaadinimo. Haddana waxaa la soo gaaray waqtigii ay Iswiidhen siin lahayd sharfid taas u dhiganta. Sidaas waxaa qoray Anneli Alhanko, Kurdo Baksi, Thomas Bodström, Dilsa Demirbag-Sten, Marit Paulsen iyo Göran Persson.

Dadkaan siyaasiinta iyo dhaqanyahannada ahi waxay aamminsan yihiin in Raoul Wallenberg loo aqoonsado oo lagu sharfo in uu ka mid ahaa dadka iswiidhishka ah oo wax weyn u sameeyey xuquuqda iyo qiimeynta aadanaha.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".