Sawirle: Scanpix

Baahi weyn oo loo qabo in dhallinyarada laga tallaalo cudur dilaa ah

 

 Waxaa habboon in dhammaan dhallinyarada ku nool Iswiidhen laga tallaalo caabuq ku dhaca xuubka maskaxda oo faafa. Sidaasna waxaa bogga doodaha ee wargeyska Sydsvenskan ku qoray Salomon Schulman iyo iyo Tomas Sveger oo labaduba ah dhakhaatiir cudurada carruurta.

Waxaa la sheegay in ay cudurkaan keento bakteeriyo lagu magacaabo meningokok (meningokock). Waxaa dhakhaatiirtaan laga soo xigtay in maalintii afraadba qof u xanuunsado cudurkaan, iyo in tobankii qof oo cudurkaan qaada uu midkood qaado caabuq ka gala xuubka maskaxda oo uu dabadeed la geeriyoodo.

Sidaas awgeed ayey labadaan dhakhtar ku talinayaan in dhammaan dhallinyarada la siiyo tallaal lacag la’aan ah.

Isha: Sydsvenskan Dagbladet

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".