Ruux waddada u fadhiya tuugsi. Sawirle: Scanpix

Degmooyin laga yaabo in laga mamnuuco tuugsiga

Ciidamada boliiska ee degmooyinka Bollnäs iyo Söderhamn ayaa ka codsaday maamulada degmooyinkaas in ay soo saaraan xeer-hoosaad lagu mamnuucayo in lacag la tuugsado. Sababtuna waxay tahay in boliisku doonayo in fursad loo siiyo in ay joojin karaan lacag-ururta dadka ka caraysiin karta. Sidaasna waxaa soo werisay idaacadda SVT Gävledala.

Wixii ku saabsan in sharciga wax laga beddelo waxaa marka hore looga xaajoonaya kulanka golaha degmada oo lagu wado in uu qabsoomo dhammaadka xilligaan kulaylaha.

Isha: SVT Gävledala

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".