Sawirle: Menahem Kahana/Scanpix.

Iswiidhen oo diiddey in ay ciidamo u dirto Buuraha Golan

Iswiidhen ayaa iska diiddey in ay ka qaybqaadato ciidamada nabad-ilaalinta oo Qaramada Midoobey ku talajirto in ay geyso Buuraha Golan oo u dhexeeya dalalka Suuriya iyo Israa’iil. Iswiidhen waxay sabab uga dhigtay diidmadeeda in hawlaha nabad-ilaalintani ay yihiin kuwo aad u dhib badan oo ka halis badan sidii ay muuqdeen markii la soo bandhigay.

Wasaaradda arrimaha dibedda ayaa maalintii khamiista arrintaan ka tiri:

- Waa u sheegnay xoghaynta Qaramada Modoobey in aanaan diyaar u ahayn in aan ka qaybgalno ciidamada nabad-ilaalinta oo loo gaabiyo UNDOF.

Horay ayuu xoghayaha Qaramada Midoobey Iswiidhen uga codsaday in ay ciidamo ku soo biiriso ciidamada nabad-ilaalinta oo la geynayo Buuraha Golan.

Dhanka kale afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda ayaa sheegay in xaaladda aaggaasi uu hadda yahay mid halis ah oo kacsan. Waxaana laga yaabaa in ciidamada halkaas iskaga soo horjeeda ay goobtaas u isticmaalaan meel ay ku dagaalamaan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".