Cabdullaahi Cadow, dhaliin-yaro firfircoon. Sawirle: Cabdullaahi C.

Socod la socon doono masaafo gaarsiisan 60 mayl Malmö illaa Istockholm

Dhallaan badan oo soomaaliyeed ayey caqabadan oo kale heysataa
4:22 min

14-kii bishan luulyo ayuu magaalada Malmö ka biloowday socodaal istaafeet ah oo looga gol leeyahay sidii lagu muujin lahaa dhibaatooyinka dhallaanka kelinimada dalka ku yimaada iyo caqabadaha kala soo gudboonaada, iyadoo socdaalkaasina uu soo gabagaboobi doono inta u dhexeeysa 15 -17-ka bisha agoosto oo ey dawaafiintu ku soo beegan yihiin magaalada Istockholm, ahna goolkii ugu dambeeyey. Waa dhabbo gaarsiisan 60 mayl ama 600 oo kiiloo-mitir, sida uu noo sheegay Cabdullaahi Maxamuud Cadow oo ku magac-dheer "Cabdi Cadow" oo ka mid ah dadyoowga u ololeeya xuquuqda soo galootiga, qaasatan xuquuqda dhallaanka kelinimada dalka ku yimaada iyagoo aaney la socon waalidkii dhaley ama ciddii masuuliyadda dhallaankaa lahayd:

Inkasta oo heshiiska Dablin ee dhallinyaradu dooneeyso in gacan laga siiyo sidii wax looga bedeli lahaa uu yahay heshiis ey hoosta ka wada xariiqeen dhammaan waddammada xubnaha ka ah ururka EU-da ayuu haddana sheegay Cabdullaahi Cadow iney siyaasiyiinta dalku gacan ka geey-san karaan sidii ey ugu ololeeyn lahaayeen amuurtaa.

                                                                         kenadid.mohamed@sr.se

                     

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".