Sawirle: Niklas Luks

Xabsi 12 sano oo lagu riday qof dilay ganacsade dahable ahaa.

Nin 25 jir aha ayay maanta ku xukuntay maxkamad xabsi gaaraya 12 sano ka dib markii lagu helay dambi ah in uu dilay nin 73 jir ahaa oo ka ganacsan jiray, uuna sidoo kale uu dhacay dukaanka dahabka ee odayga la dilay.

Dambiyda lagu helay ninkan 25 jirka ayaa kala ah: afduub, dhac iyo dil kama ah.

Bishii Maarso ee sanadkan ayay aheyd markii ninka la dilay ee ganacsadaha ahaa iyo xaaskiisa ay ugu soo dhaceen gurigii ay deganaayeen saddex niin oo tuugo ahaa.

Ninkan hadda la xukumay ayaa si afduub ah, waxuu isla gurigooda ugu dhex hayay ninka ganacsadaha ahaa iyo xaaskiisa halka kuwii la socday ay aadeen dukaanka uu lahaa odayga hase yeeshee dagaal gacan ka hdal ah oo guriga ayaa waxaa lagu toogtay odayga ganacsadaha ahaa.

/ Ekot, TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".