Kuva: Gunnar Lundmark/SCANPIX

Shirkada Volvo oo heshay faa’ido ka badan inta la filayay.

Shirkada gaadiidka sammeysa ee Volvo qeybteeda farsameeysa baabuurta waaweyn ayaa heshay faa’ido ka badan inta la saadaaliyay iyada oo shirkada faa’iday lacag gaareysa 2 880 milyan oo karoon oo ah inta aan laga jarin cashuurta nuska labaad ee sanadkan.

Sanadkii hore xilligan oo kale faa’idada ay heshay shirkada ayaa ahaa 6 796.

Faa’idadan ayaa ah mid ka wanaagsan inta la saadaalinayay. Madax shirkada Volvo Olof Persson ayaa soo dhoweeyay warkan wanaagsan waxuuna sheegay in shirkada ay maalgelin ku sammeeysay mustaqbalka waxuuna sheegay in la joogo xilligii loo rogi lahaa arrintan tiro ka hadleysa iibinta gaadiidka oo wanaagsan.

/ TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".