160 ruux oo dib loo eegayo dacwadoda ah khayaamo cashuur.

Sida ay maanta shaaciyeen xafiisyada xeer ilaalinta qaranka iyo midka dambiyada la xiriira dhaqaalaha, waxaa dalban kara in dib u eegis lagu sammeeyo dacwadaha loo heysto dad gaaraya 160 ilaa iyo 170 qof oo uu ku dhacay xukuno xabsi oo ah dambiyo ku qotoma khayaano cashuurta.

Tiradan ayaa ah qiimeyn horudhac ah oo ku saabsan kiisas fara badan oo la xiriira khayaamoyinka lagula kaco cashuurta ka dib markii maxkamada sare ee dalka ay gaartay in dadkaasi ay dalban karaan in kiisaskooda dib u eegis lagu sammeeyo.

/ TT, Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".