Garoonka Tele 2 Arena. Sawirle. Sören Andersson

Taageere isku dayay in uu taabto Zlatan xilli ciyaar ka socotay garoonka Tele2 Arena

Ammaanka ayaa weli wax uu yahay dhibaato weyn oo ka jirta garoomada kubada cagta ee Iswiidhen.

Ciyaar saaxibtinimo oo qaranka Iswiidhen la ciyaaray dalka Arjantiin 6-dii bishii Febraayo ee sanadkan kana socotay garoonka Friends arena, ayaa waxaa dhacday in in nin 35 jir ah uu ku soo cararo garoonka isaga oo hab siiyay xiddiga reer Arjentiin ee Lionel Messi.

Shalayna, ciyaar saaxibtanimo oo ka socotay garoonka hadda dhow la dhisay ee Tele2 arena, una dhaxeysay naadiyada kubada cagta ee Paris Saint-Germain iyo Hammarby ayaa nin ka mid ahaa daawadayaasha waxuu orod ku soo galay garoonka isaga oo abaaray xiddiga kubada cagta ee Zlatan Ibrahimovic, ka hor inta aysan ku guuleysan ilaalada garoonka in ay qabtaan ninkaasi.

Arrintan ayaa dhacday iyada oo ahmiyad weyn la siiyay xagga ammaanka dhowr sano marka dhisaayay garoonka Tele2 Arena, waxaana garoonka uu leeyahay xeendaab adag, waxaa jooga waardiyayaal fara badan iyada oo sidoo kalana ay ku rakiban yihiin kaamarayooin xagga ammaanka ah oo gaaraya 475 .

-Waxaan maqlay isaga oo ku qeylinaya : "Zlatan, waxaad tahay eebbeheygad", ayuu yiri ciyaaryahanka kooxda Hammarby, Billy Berntsson oo goob joog ka ahaa dhacdadaasi.

-balse ilaalada garoonka ayaa ku guuleysatay in ay xaalada gacanta ku dhiagaan iyada oo Ibrahimovic oo gacan ka geystay in daawadaha laga saaro garoonka isaga oo gacan keliya ku riixay uu u muuqda in uusan dhibsan wax dhacay. Ciyaarta ayaa waxay ku dhammaatay 2-0 oo ay ku adkaatay kooxda PSG.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".