Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Haweenka afrikaanka oo la il daran fiitamiin qorraxda iyo cunnada laga helo

Maadadda fiitamiinka ”D” ayaa ku yar badankood haweenka dalkan ku dhaqan ee ka soo jeeda waddammada dhaca bariga dhexe iyo qaaradda Afrika, sida ku cad baaritaan lagu sameeyey goobta bukaan-socodka ee xaafadda Gottsunda, sida uu maanta qoray war-geeyska Uppsala nya tidning.

Cunista raashin aannu ku jirin ee ku filan fiitaamiinka ”D” iyo dabeecado ka duwan midda dalka ee loo qorreyxeeysto ayaa sabab loo sababeeyey baahida kala duwan ee fiitamiinka ”D” ee haweenka.

Cudurro ey ka mid yihiin lafaha waayeelka oo si sahal ah u jaba, cudurro dhallaanka kaga dhaca lafaha. Sidoo kale waxaa yaraanta fiitamiinka ”D” lala xiriiriyaa cudurrada waddanaha iyo xididdada iyo sidoo kale noocyo ka mid ah cudurrada kaankarada iyo sokor-macaanka.

Baaritaankan ayey qeyb ka ahaayeen 61 ruux,  midkaasina oo lagu soo daabacay joornaalka Food. & Nutrition Research.

                                                                   kenadid.mohamed@sr.se

Fråga
Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".