Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Shirkad Göteborg ku taal oo si xun u ixticmaashay shaqaale shiinees ah

La daabacay torsdag 25 juli 2013 kl 12.32
Sawirle: Jesper Ingevaldsson

Dukaan iibiyaha gumlooyinka oo ku yaal magaalada Göteborg ayaa lagu soo eeedeeyey in uu si xun u isticmaalay shaqaale shiinees ah oo dibedda laga keenay.

Kadib markii khilaaf soo kala dhex galay shaqalahaan oo lix qof ka kooban iyo mulkilaha shirkadda ayey shaqaalihii la xiriireen ururka shaqaalaha ganacsiga oo loo yaqaan Handels.

Waxaa ururka shaqaalaha ganacsiga laga soo xigtay in mulkilaha shirkaddu baasaboorada ka qaaday shaqaalahaan iyo in shaqaaluhu ay shirkadda ku leeyihiin lacag farabadan oo aan loo siin saacado dheeraad ah oo ay shaqeeyeen iyo gunnooyinka fasaxa.

Lixdaan qof oo shaqaalaha ahi waxay dalka ku joogaan oggolaanshaha ama ruqsadda shaqada.

Maareeyaha shirkadda jumlad-iibinta ayaa dhanka kale beeniyey in uu wax gef ah galay, sida ay soo werisey idaacadda P4 Göteborg.

Isha: P4 Göteborg

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".