Sawirle: Henrik Montgomery/Scanpix.

Shaqala’aanta Iswiidhen ka jirta oo weli taagan heerkii sannadkii hore

Dadka Iswiidhen ku shaqada la’ waxay bishii Juun gaarayeen boqolkiiba 9 suuqa shaqada, sida laga soo xigtay warbixin uu soo saaray Xafiiska tirakoobka qaranka oo afka iswiidhishka lagu yiraahdo Statistiska centralbyån.

Heerkaas shaqala’aanta ilaa hadda sannadkaan waxay u dhigantaa heerkii bishii Juun ee sannadkii hore. Dadka ugu shaqala’aanta badan waxaa ka mid ahaa bishii Juun dhallinyarada da’doodu u dhexeyso 15 ilaa 24 sano oo dadka shaqala’aanta ah ka ahaa boqolkiiba 29.

Caadi ahaan waxay shaqala’aantu ugu sarreysa bisha Juun, maadaama ay dugsiyada iyo jaamacaduhu xiran yihiin oo ay arday badani bilaabaan in ay shaqo raadiyaan.

Gebi ahaanba waxaa dalka ku shaqala’ dad tiradoodu gaareyso 484 000 oo qof oo kala u dhexeeya da’aha 15 ilaa 74 sano.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".