Booliska oo xiray halka dilka uu ka dhacay bartmaha magaaladda Umeå. Foto: Erpo Heinolainen/Sveriges Radio

Booliska dambi baarists qaranka oo ku biiray baaritanka dila ka dhacay Umeå

Booliska dambi baarista qaranka ee Rikskriminalpolisen ayaa hadda ku biirtay baaritaanka dil ka dhacay maalintii sabtida ee toddobaadkan maxadada tareenka laga raaco ee bartmaha Umeå, sida ay ku warameyso idaacadda P4 qeybteeda gobolka Västerbotten.

Waxaa halkeeda maanta ka socday wareysi ay ciidamadda la leeyihiin qofka loo hayo dilkaasi.

Xafiiska xeer ilaalinta  ayaa ilaa iyo beri heysta waqti ay ku codsan karaan in la sii hayo qofkan hadda xiran.

Malintii shalay, waxaa la sii daayay labo nin oo kale oo iyana loo hayay isla dilkan laakiin weli waxay yihiin dad laga shakisanyahay.

/ SR P4

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".