Foto: SVT Bild

Waayeel lagu dhex ilaabay musqul goob xanaano

Qof shaqaale ka ah goob lagu xanaaneeyo waayeelada oo ku taalla degamada Skövde ayaa ku ilaabay suuliga ama musqusha qof waayeel ah oo uu hayay ku dhowaad 50 daqiiqadood xitaa iyada oo ay xasuusiyeen shaqaalaha kale ee goobta kala shaqeeya.

Halka uu suuliga ka soo saari lahaa, ayuu iska aaday gurigiisa qofka mas’uulka ka ah bukaanka musqusha lagu ilaabay waayo waxuuna kaarka lagu galo goobta shaqada ee uu sitay shaqaalaha uu dhacay shan daqiiqo ka dib.

Shaqaalaha soo gelayay shaqada shiftiga habeenkii ayaa caawiyay waayeelka lagu dhex ilaabay musqusha .

Maamulka degmada Skövde ayaa u arka shaqaalhaasi in uusan qabsan howshiisa blaase hay’ada la socodka daryeelka iyo xanaanada ayaa u aragta dhcdada mid aan ku filneyn in la baaro.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".