Sawirle: Lars Hedelin/Scanpix.

Sarkaalad nin saqraansan ku garaacday bud oo looga shakisan yahay jirdil.

Sarkaaladii booliska ee magaaladda Stockholm ku garaacday nin sarqaansanaa budka rabadhka ka sammeysan ee bileyska isticmaalaan lana soo dhigay baraha internet-ka muuqaalka garaacaida, ayaa hadda loogu shakisan yahay in ay geysatay jirdil halka la dhihi waxaa ka dhacay qalad xagga shaqada ah.

Sarkaaladan ayaa lagu sammeynayaa bedel inta uu socdo baaritaanka dhacadadaasi.

Filimka ayaa waxaa ka muuqday sida sarkaalada tiro afar iyo toban jeer ugu dhufaneyso budka ay sidatay ninka iyada oo eey ay wadatay sarkaalada uu weeraryo isla ninka.

Sida uu soo qoray arbacadii  wargeyska DN maxkamada degmada Stockholm ayaa sheegtay in sarkaalada booliska loogu shakisan yahay in ay geystay jirdil halka loo arki lahaa in uu ka dhacay qalad xagga shaqada ah.

/ DN

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".