1 av 4
Dukaan ay saameeyeen fatahaada. Sawirle: Simon Björling/Sveriges Radio
2 av 4
Baarkin ay biyuhu fariisteen. Sawirle: Simon Björling/Sveriges Radio
3 av 4
Jahawareer ka taagan aaga 6A ee Jönköping. Sawirle: Simon Björling/Sveriges Radio
4 av 4
Shaqaalaha badbaadada oo ka howl gelaya nawaaxiga Ryvo ee Jönköping Sawirle: Jessica Sonelius/Sverigeradio

Daadad ku fatahay Jönköping

Roobab xoog badan oo ka da'ay magaalada Jönköping ayaa sababay dhibaatooyin waaweyn oo ay ka mid yihiin daadad ku fatahay magaalada.

Sida laga soo xiganayo hay'ada adeega badbaadinta waxaa jira biyo fara badan oo fadhiya waddooyinka iyo biyo ku fatahay dhismooyinka qaar ee magaaladaasi waxaaana goobaha ay saameeyeen daadadka ka mid ah cisbitaalka gobolka Ryhov oo hakiyay howlihiisa.

Waxaa imminka xiran qeybta qaabilaada deg dega ee cisbitaalka sababo la xiriira daadadka.

Sabab kale cisbitaalka loo xiray ayaa la leeyahay in ay tahay in aysan shaqeyneen hanaanka biyaha kululeeya ee degmada.

/ Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".