Foto: Pontus Lundahl/Scanpix.

Shirkada tareenada SJ oo cilad farsamo la soo deristay.

Habka tikidhada loo goosto ee shirkada tareenada SJ ayaan waxaa heysata cilad iyada oo uusan shaqeyneeynin.

Mashiinada laga jarto tikidhada ee yaalla xarumaha laga raaco tareenada iyo barta internet-ka ee Sj.se ayaysan suurga aheyn in laga jarto tikidh.

SJ ayaa rumeysan in cilidan ay xalin doonto maanta inta la xalin ka horna dadka safra waxay ka dhex gadan karaan tareenada tikidhada iyada oo aan laga qaadeyn khidmo dheeri ah.

Ciladan xagga farsamada ayaa sidoo kale waxay heysaa hay'adda boostada iyo shirkada gaadiidka gobolka Stockholm ee SL.

/ Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".