Ido si wanaagsan loo xanaaneeyay Foto: Mika Koskelainen/SR Gotland

Waxaa sii badanaya dadka loo diido in ay yeeshaan xoolaha nool.

Tirakoob cusub oo soo baxay ayaa muujinaya in ay sii kordhayaan dadka loo diido xayawaanada la xanaaneysto ama lagu heysto guryaha.

Lixdii bilood ee ugu horreysay sanadka, waxaa la soo saaray amaro gaaraya 125 oo looga mamnuucayo dadyow in ay yeeshaan xoolaha nool ee la dhaqdo ama lagu heysto xaafadaha.

Tirada ayaa ka yar tii la soo saaray sanadkii 2009-ka oo aheyd 181 amar oo mamnuucid ah.

Sida ay sheegtay hay’ada beeraha kororka amarada dad looga mamnuuca heysashada xayawaan in ay ku xirantahay koontarooka fiican.

/ Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".