Dhaqaale darro ayaa keeni karta fakhriga maadadda D fiitamiinka oogada

Haweenka ajaaniibtu wey ka dhuuntaan qorraxda
5:36 min

Baaritaan lagu sameeyey tayada maadada D-fiitamiinka ee haweenka ajaaniibta iyo kuwa is-wiidhishka ayaa lagu ogaadey iney aad ugu kala duwan yihiin. Iyadoona uu haweenka ajnabiga aad u hooseeyo D-fiitamiinka oogadooda ku jira, halka dhiggooda iswiidhishka uu aad u sarreeyo, sida ay sheegtay Åsa Andersson oo ka mid ahayd cilmi-baareyaashii baaritaanka wax ka soo saarey.

Cilmi-baarista lagu sameeyey magaalada Uppsala, xarunta bukaan-socodka ee Gottsund haween tiradoodu gaarsiisan yihiin 61 oo 31 ka mid ahi yihiin haween dalka dibaddiisa ku dhashey ee ka soo jeeda bariga dhexe iyo qaaradda Afrika qaasatan, waddammada Soomaaliya iyo Eriteriya.

Åsa Andersson, oo wax ka baratay culuunta manaafacaadka cunnada laga helo, waxa afkan lagu yiraahdo Dietist" oo dhowaantan ku soo ban-dhigtay maqaal joornaalka Food. & Nutrition Research - Cilmi-baarista la xiriirta nafaqada iyo cunnada.:
- Baaritaanka ayaa lagu ogaadey inuu heerka fiitamiinka D ee oogadooda laga heley uu ka hooseeyey midka laga helay haweenka iswiidhshka dhaladka. Isku-celcelin waxaa haweenka ajaanibka laga heley tayo gaarsiisan 22,2 ee cabbirka Nanomool/litirkiiba, halka haweenka iswiidhishka laga heley isku celcelin 51,5 Naanomool/litirkiiba. Wixii loo gaaro 25 Naanomool/litirkiiba ama ka hooseeya ayey dhakhaatiirtu ku sheegaan inay tahay tayo liidata:
- Midda kale ee cilmi-baarista lagu ogaadey ayaa ah in aannu farqi u dhaxeeyn haweenka ajaaniibta kuwooda xijaaban iyo kuwooda aan xijaabneyn. Balse ey ka siman yihiin baahida oogadoodu u qabto fiitamiinka D, sida ay sheegtay:
- Farqiga waxaa ugu wacan qaadashada cunnada uu ku fiitamiin D-gu ku yar-yahay iyo midda kale habka qorraxeeysiga oo ka duwan sida caadada u ah guud ahaan bahda iswiidhishka oo haweenka iswiidhishkuna ka mid yihiin.

Horraantii sannadkii 2009, bilihii jannaayo illaa maarso ayay magaalada Uppsala ka bilaabeen Åsa Andersson iyo dhakhtarad Anne Björk, cilmi-baaris haween laga xushay bukaan-socodka Gottsunda ee magaalad Uppsala. 61 haween, da'doodu u dhaxeeyso 35 - 75jir oo u kala baxa 31 ajaaniib ah iyo 30 asalkoodu iswiidhish yahay. Andersson ayaa haweenka baaritaan kaga sameeysay dhanka macluumaadka la xiriira cunnada ey haweenkaasi qaataan iyo sida ey u qoraxeeystaan. Halka ay dhakhtarad Björk ay hoowsheedu la xiriirtay dhanka caafimaadka haweenka iyo saami ka qaadista. Cilmi-baareyaasha oo dhowr jeer oo kale wixii intaa ka dambeeyey la kulmey haweenkaa ayey ugu caddaatay:

- Koow in cunnada ey qaataan haweenka ajnabiga aan laga helin fiitamiin D ku filan. Iyo midda labaad oo ah in aaney haweenkaasi qorraxda u qaadan sida bulshada iswiidhishka ama aaney qoraxeeysan. Arrimmahaasi ayaa loo sababeeyey, aqoonin-darro kala soo xiriirta noocyada cunnada laga helo fiitamiinka D iyo qorraxeeysiga oo ku yar, middaasina bey hablahaasi qaarkood sheegeen ineyba ka door-bidaan ka dhuumashada qorraxda si aaney u sii madoobaan, sida ay sheegtay Åsa Andersson:
- Haweenka ajaaniibta ayannu ku aragnaey in aaney isticmaalin subagga maargariinta iyo caanaha uu fiitamiinka D ku badan yahay, sida aan ku aragney farqiga u dhexeeya haweenka ajaaniibta iyo kuwa asalkooda iswiidhishka ah:
- Dhanka kale ma isticmaalaan subagga rootiga la marsado, waxay cunaan cunno rootigu ka maqan yahay. Iyadoo ey intaa dheer tahay in saliid loo isticmaalo karrinta cunnada oo uu ku yar yahay d-fiitamiinku-ku:
- Ma dhacday in muddadii aad baaritaanku ku jirteen aad eegtaan dhanka dhaqaaluhu saameeynta uu middaa ku yeelan karo. Mise la oran kari lahaa in farqigan u dhexeeya haweenkan uu saameeyn ku leeyahay nidaamka dabaqadaha kala duwan ee dhaqaale.?

- Waa mid aan aamini karo qaasatan kolka laga hadleyo in la soo iibsado saliidda ku jirta caagagga waaweyn oo aad uga jaban kolka loo barbar-dhigo saliidda maargariinta nus litirka ah. Waa mid aan maleeyn karo in dhaqaaluhu saameeyn ku leeyahay farqigan u dhexeeya baahida kala duwan ee fiitamiinka D ee la gudboonaada haweenka ajaaniibta iyo kuwa iswiidhishka, sida ay sheegtay Åsa Andersson oo wax ka diyaarisay cilmi-baaris lagu ogaadey inuu tayada d-fiitamiinku kaga yar yahay haweenka ajnabga (afrikaanka iyo carabta) marka loo barbar-dhigo haweenka iswiidhishka.

Åsa Andersson. Ayaa faraha kula jirtay ku war-gelinta bukaan-socodka habka wanaag-san ee loo qaato nafaqada cunnada iyo maadooyinka oogadu u baahan tahay iyadoona sheegtay in la oran karo in baahida fitaamiinka D ee haweenka ajaaniibta ugu wacan tahay qorrax li'ida iyo isticmaalka cunnada laga helo fiitamiin D oogada ku filan oo hor-seeda cudurro ey ka mid yihiin lafaha waayeelka oo si sahal ah u jaba, cudurro dhallaanka kaga dhaca lafaha. Sidoo kale waxaa yaraanta fiitamiinka "D" lala xiriiriyaa cudurrada waddanaha iyo xididdada iyo noocyo ka mid ah cudurrada kaankarada iyo sokor-macaanka.

Baaritaankan ayey qeyb ka ahaayeen 61 ruux, midkaasina oo lagu soo daabacay joornaalka Food. & Nutrition Research.

                                                                kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".