Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Det brinner i en industrilokal. Giftig rök sprider sig österut mot Giraffens köpcentrum. Alla som befinner sig i området bör bege sig därifrån. Boende i området uppmanas att gå inomhus och stänga dörrar, fönster och ventilation. För mer information lyssna på Sveriges Radio P4 Kalmar.
(Publicerat idag kl 17.16)

Carl Bildt iyo danjiraha Masar oo dood kulul dhexmartay

La daabacay måndag 29 juli 2013 kl 11.02
Sawirle: Scanpix. Montage: Sveriges Radio.

Wasiirka Arrimaha dibedda Iswiidhen Carl Bildt ayaa maalmihii la soo dhaafay dood kulul kula galay bartiisa Internet danjiraha dalka Masar u fadhiya Iswiidhen oo lagu magacaabo Osama Elmagdoub.

Carl Bildt ayaa maalintii sabtida ku qoray Twitter-kiisa hadal uu ka yiri dilkii ka dhacay Masar maalmihii la soo dhaafay, wuxuuna qoray: "Aad ayaan uga argagaxay dadkii tirada badnaa oo lagu laayey bannaanbaxyadii ka dhacay Masar. Ciidamada ammaanku marnaba kama dhuuman karaan mas’uuliyadda ay ku leeyihiin dhacdooyinkaas ".

Dhawr saacadood kadib ayuu u jawaaabey Osama Elmagdoub oo qoray: "Waa wax aad u xun, laakiin waxa aan ka hadleynnaa ma ahan dadweyne si nabad ah u bannaanbaxaya, ee waa qas-wadayaal hubeysan. Waxayna ila tahay in ay dadka iswiidhishka ku adag tahay in ay fahmaan ".

"Markaa ma iyagaa is toogtey? Bal wax ka dhex taasna", ayuu ugu jawaabey Carl Bildt.

Danjire Elmagdoub wuxuu kaga jawaabey in ay arrintu ka weyn tahay is rasaaseyn. Wuxuuna weyddiiyey waxa ciidamada ammaanku samayn lahaayeen haddii la soo xabbadeeyo.

Markii dad kale ay soo dhexgaleen dooddii ayuu danjiruhu dhaleeceyn u soo jeediyey boliiska Iswiidhen: "Boliiska iswiidhishku waxay toogteen nin 69 sano jir ah maadaama uu middi gacanta ku haystey ".

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".